|
|
Haweeney Hindi
ah oo nuujisa Dibi
|
|
Nairobi, Kenya (Calanka.com) - 31-Agosto-2010
|
|
|
Haweeney u dhalatay dalka Hindia ayaa caan ka noqotay tuulada ay ku nooshahay ee dhacda gobolka Rajistan ee dalkaasi Hindiya ka dib markii ay bilowday in ay naas nuujiso Dibi yar oo maalmo dhalan.
Shutia Bai ayaa nuujisa dibigaas 23-cisho dhalan mar waliba uu u baahdo caano, maadaama sacii dhalay uusan laheyn caano ku filan.
Dalxiisayaal badan ayaa hareeyay tuuladaasi ay ku dhaqan tahay islaantan, waxa ayna sheegtay in wax ceeb ah u arkin talaabada ay sameyneyso .
Dibigaas yar ee haweeneydas naas nuujiso ayaa lagu waramay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.
Cisman Fantastic
ossmanfantastic@hotmail.com
Calanka Editor
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
|
|
|
|
|
|
|