Basas lagu qarxiyay magaalada Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 31-Agosto-2010


Laba bas oo ah nooca loo yaqaan BL-ka islamarkaana ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa lagu qarxiyay wadada dheer ee warshadaha, kadib markii miino lagu aasay wadadaasi ay haleeshay.

Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaasi haleelay labada bas oo is daba socday, waxaana tirada dhimashada lagu sheegay 2-ruux, halka dhaawucuna uu gaarayo 6 ilaa 7.

Wadada uu qaruxu ka dhacay ayaa ah wado ay aad u isticmaalaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

Miinada ayaa la sheegay in ay aheyd nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago.

Ma cada wali cida ka dambeysa aasida miinadan la qaraxday labada bas, balse waxa ay u muuqataa kuwo ka mid ah noocyada ay kooxaha mucaaradku u wadaan dagaaladooda ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada AMISOM.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda