|
Weerar yahankii kooxda Man City iyo xulka Brazil Robinho ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Milan ee horyaalka Talyaaniga.
Muddo afar sano ah ayuu Robinho kubada la qaabeynayaa asxaabtiisa isku wadanka yihiin Bato iyo Ronaldinoh .
Milan ayaa xilli ciyaareedkaani suuqayada kala iibsiga cayaartooyda ka soo jeedatay cayaar yahano culus kuwaasi oo u muuqda in ay guulo soo hoyin doonaan .
Robinho ayaa tv-ga AC Milan ka sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxda isla markana uu farxad gilinayo taageerayaasha kooxda.
Waxa uu intaa raaciyay in saaaxibkiisa Kaka Milan-na horay ugu soo cayaaray in uu u sheegay war farxad leh kaasi oo saadaalinaya in guulo ka gaari doono kooxda.
Suuq kala iibsiga cayaartooyda ayaa xermay sacadihii ugu dambeyay kooxaha cayaartooy badan ayay kala iibsadeen qaarna amaah ayay ku kala qaateen.
Maryama (Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|