Al-Shabaab oo sheegtay in diyaarado dagaal ay kasoo qeyb galayaan dagaalada Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 01-Sebtember-2010


Ninka u qaabilsan gobolka Banaadir kooxda Al-Shabaab Sh. Cali Maxamed Xuseen oo shir jaraa`id maanta ku qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka dhawaajiyay in diyaarado dagaal la filayo in ay ku soo biiraan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Shir jaraa`idka horjoogahan ee maanta ayaa ahaa mid ay caawimaad ku weydiisanayaan shacabka, waxaana uu ka dhawaajiyay in maadaama ay diyaarado kusoo biirayaan dagaalka ay iyagana gacan u fidiyaan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada kula jirta dowadda Soomaaliya iyo ciidamada Amisom.

Masuulkan ayaa sidoo kale baaq u diray ganacsatada alaabohooda ka raranaya suuqa Bakaaraha, waxaana uu u sheegay in Al-Shabaab aysan madaafiic ka dhex tuurin suuqa gudihiisa balse uu cadowgu iska soo duqeeyo suuqa.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa idaacadaha iyo warbaahinta kale si toos ah usoo fariisanayay horjoogayaasha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab kuwaasoo caawimaad weydiisanaya shacabka.

Dagaalada ay Al-Shabaab ku dhawaaqday oo ay kula wareegi laheyd magaalada Muqdisho ayaa daba dheeraaday, waxaana uu galay maalinkii 14-aad iyadoona war horumar ah oo la taaban karo aysan labada dhinac ka gaarin marka laga reebo in ka badan 150-ruux oo shacab u badan ay ku dhinteen, ku dhawaad 230-na ay ku dhaawacmeen.

Wali waxaa ka socda degmooyinkii lagu dagaalamayay ee magaalada Muqdisho dagaalo goos-goos ah oo u badan madaafiic ay isweydaaranayaan dhinacyada dagaalamaya.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia