|
Hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sh. Xassan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa`id ku qabtay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanada loo qaxay ee Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Wadaadka ayaa sheegay in xabadda ay ridayaan ay ku jirto xalka dalka, dadka iyo diinta islamarkaana ay wadayaan inta ay meesha ka saarayaan dowladda Soomaaliyeed iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu ku baaqay in la mideeyo maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbiga si ay uga hortagaan waxa uu ugu yeeray cadowga iyo si loo yareeyo khilaaf soo kala dhex gala labada kooxood.
Cambaareyn ayuu u jeediyay culimada, waxgaradka iyo odayaasha ku baaqaya in la joojiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho oo ay ku dhimayaan, kuna dhaawacmayaan shacab soomaaliyeed.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|