Mahiga oo Muqdisho gaaray

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 02-Sebtember-2010


Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay ergeyga gaarka ah ee Qaramadda Midoobe ee Somaaliya, Agostino Mahiga ayaa gaaray maalinkii shalay caasimadda Muqdisho, halkaasoo ay kulamo kula yeesheen madaxda sare ee dowladda sida m/weyne Shariif iyo wasiiro.

Wafdigan sare ayaa sidoo kale waxaa ku jiray xoghayaha guud ee Qaramadda Midooba ee arrimaha siyaasadda, Leyn Basko iyo xubno kale oo ka socda xafiiska UNSOA .

Shir balaaran ayay wafdigan la yeesheen madaxda sare ee dowladda, waxaana ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii gacan loo siin lahaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wafdiga ayaa Muqdisho ka ambabaxay kualnkan kadib, waxaana ay ku laabteen magaalada Nairobi oo ay horay uga soo kicitimeen.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda






  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia