|
Mudane ka tirsan baarlamanka dalka kuweyt ayaa soo hordhigay golaha Umadda ee dalkasi xukuma hindise lagu yareynayo haweenka guumeyska noqday ee ka daahay guurka ,iyadoo abaal marino lacgeed la siinayo ragga naag labaad guursada oo Kuwait-aan ah .
Aduun lacageed oo gaaraya 15-kun oo doolar ayaa la siinaya ninkii naag labaad guursada laakiin shuruudo ay raacsan tahay .
Shuuradaha raacsan ayaa ah in naagta labaad ee la guursanayo ay ahaato haweeney gaartay da'da 40-sano , garoob ama haweeney ninkeedi horay ka dhintay.
Arintan ayaa timid ka dib markii ragga u dhashay dalkaasi xaasaskooda labaad aysan aheyn Kuwait-aan oo ay yihiin Carabta kale ama ajaanib kale .
Hindisahaas uu soo jeediyay Faysal Al-duweysan ayaa caro ku dhaliyay haweenka ree Kuweyt inkastoo Duweysaan isu arkayay in uu yareeynayo Guumeysnimada iyo in uu xad u yeelayo guursiga xaaska labaad ee banaanka Kuweyt ka imaaneysa.
Al-duweysaan ayaa sheegay in guurka xaaska labaad ee dalkooda aan u dhalan ay mushkilad ku noqotay ,iyadoo ay jiraan 50-kun oo xaalado guur oo kuwaas oo xaasas labaad u ah ragga Kuwait-aanka kuwaasi oo ajaanib ah.
Balse ururada u ololeeya haweenka ayaa hindisahaasi u arkay mid lagu dilayo sumacada haweenka isla markaana wadada u xaarayo in haweenka sidii badeeco loola dhaqmo taasina lagu xalin karin dhibka taagan.
Dood xoogan ayuu qorshahani dhaliyay ,waxa ayna yiraahdeen hindisahani waxa u xalinaya arinta haween dhaafay da'da guurka balse waxa uuu sii kordhinayaa arimaha furiinka halka hawenka qaarkood u arkeen qorshahaan mid ka xun guumeysinada.
Shamaayl Al-shaarikh oo u ololeysa haweenka ayaa arintani ku tilmaantay musiibo saameyn badan reebeysa.
Haweenka Kuweyt ayaa ragg la'aan soo istaagay ka dib markii ragga dalkaasi ay dhex jiireen suuqyada haweenka ajaabinta oo xaasas labaad ka dhigteen halka suuq la'aan ay ku dhacday haweenkii iyadoo qaarkood iyaga oo da'da 40-ka talaabay weli guursan.
Maryama (Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|