k
|
|
Foto: GETTY IMAGESCiyaar kulul oo dhex martay Inter Milan iyo Chelsea
Tripoli, Libya (Calanka.com ) 17-Maarso-2010
Ciyaar aad u kulul ayaa dhexmartay kooxaha Chelsea iyo Inter Milan, taaso chelsea looga badiyey 1-0. Weerar yahanka Inter Milan Samuel Eto’o, ayaa guul usoo hooyey kooxdiisa Inter Milan, ka gadaal markii uu dhaliyey goolkii lagu reebay naadiga Chelsea marki ay mareysay ciyaarta daqiiqadii 78-aad. Chelsea oo hogaamineysay qaybta hore ee ciyaarta ayaa soo bandhigatay ciyaaro halaasi ah, waxaana kooxda martida ahayd ee Inter Milan ay si weyn isaga difaacday weeraryahanada qadka dhexe uga ciyaara Chelsea oo ku tafa xeedanayey in ey dhaliyaan gool. Macalinkii hore ee Chelsea Jose Mourinho ayaa si aad iyo aad ah ugu farxay guusha ay soo hoysay kooxda uu iminka tababaraha u yahay ee Iner Milan, isagoona xusay in uu filanayey ka badinta naadiga Chelsea. Xidigga weerar yahanka xagga gool dhalinta ee kooxda Chelsea Drogba ayaa si weyn ugu xanaaqay garsooraha ciyaarta oo siiyey Calaamadda/kaarka Cas, kadib markii uu ku xad gudbay anshaxa ciyaarta, waxaana Chelsea ay garoonka ka aruursatay 4 kaarka jaalaha. Dhanka kale Kooxda CSKA MOSCOW ee ka soctay Raashiya ayaa u soo baxday wareega sideeda koox ee horyaalka Yurub, waxaana ay 2-1 kaga badisay kooxda Sevilla, iydoo ciyaartuna ka dhacday garoonka CSKA MOSCOW. Waxaa iminka wareega sideedda koox ee UEFA Champions League u soo baxay Kooxaha Kala ah: Manchester United, Arsenal, Lyon, Bayern Munich, Inter Milan Iyo CSKA MOSKOW. Mustafa Xasan Cali Mustafaxasan737@hotmail.com Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||